Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Mareykanka & Shiinaha ee ku sugan Jabuuti oo Shucaac isu adeegsaday & Ciidamo ku dhaawacmay

Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dowladda Shiinaha kadib markii marar kala duwan ay ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti ay Walxaha Shucaaca  e loo yaqaan Laser-ka ku qabteen duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo laba kamida ay ku dhaawacmeen.

Shucaaca Laser-ka ayuu sheegay Mareykanka in looga soo shiishay Saldhiga ciidammada Shiinuhu ay ku leeyihiin dalka Jabuuti iyadoo ay labada saldhig ee Mareykanka iyo Shiinaha isu dhow yihiin. Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka dalka Maraykanka ayaa Shiinaha ka codsatay inuu baaritaan ku sameeyo arrintaas oo dhibaato ku haysa duuliyeyaasha diyaaradaha milateriga ee Maraykanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dad ku sugan Jabuuti ay Shucaaca ay milatarigu wax ku shiishaan ku qabteen duuliyeyaasha Maraykanka oo markaas  doonayay inay caga dhigtaaan saldhigooda.

Hal dhacdana labo duuliye oo waday diyaarad xamuul ayuu dhaawac sahlan ka soo gaaray indhaha ka dib markii shucaacaas lagu soo shiishay, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Maraykanka ayaa xarun milatari ku leh dalka Jibuuti wuxuuna u adeegsadaa hawlaha argagixiso ladagaalanka ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sannadkii horana Shiinaha ayaa Jabuuti ka furtay xaruntii milatari ee markii u horraysay uu ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa, waxayna dhawr kiiloo mitir u jirtaa saldhigga Maraykanka. 

Waa dhacdooyin aad halis u ah, dawladda Shiinaha ayaana ku wargalinay kana codsanay in ay baaritaan ku sameeyaan, ayay tiri Dana White oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda gaashaan dhigga ee Maraykanka.

White waxay sheegtay in wasaaradda gaashaan dhiggu ay ku kalsoon tahay in shocaaca lagu soo shiishay uu ka yimid muwadiniin Shiinaha u dhashay, balse aysan caddayn ujeeddada laga lahaa.

Toddobaadyadii u dambeeyay in ka yar toban jeer ayuu shiishkaasi dhacay, ayay tiri. Illaa iyo hadda Shiinuhu kama uusan hadlin eedaymaha loo soo jeediyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON