Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Masar oo bilaabay howlgal lagu baacsanayo Dableydii dadku ku xasuuqday Masjidka Sinai

Ciidamada dalka Masar ayaa bilaabay howlgal balaaran oo lagu baacsanayo dabley dad badan ku leysay masjid ku yaalla gobolka Sinia Jimcihii.

Saraakiisha Masaarida ee baaraya xasuuqa dadkii lagu laayey masjid ku yaalla Siinaay ayaa sheegay in qolyihii weerarka qaaday ay siteen calanka kooxda dawladda islaamiga.

Ilaa 305 qof ayaa weerarka ku dhintay, kaasoo la qaaday intii lagu jiray salaaddii Jimcaha, welina ma jirto cid sheegatay. Dacwad soo oogaha Masar wuxuu sheegay in ilaa 30 qof ay weerarka qaadeen.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa wacad ku maray inuu ku jawaabi doono “awoodda ugu sarraysa”. Milateriga Masar wuxuu sheegay inuu weerarro xagga cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo “argagixiso”.

Xoogagga amniga ee Masar ayaa muddo sanooyin ah dagaal kula jiray kacdoon islaamiyiin oo ka jiray gacan biyoodka Siinaay, mintidiin gacan saar la leh kooxda dawladda islaamiga (DAACISH) waxay ka dambeeyeen tiro weerarro lagu dhintay ah oo ka dhacay gobolkaas lama degaanka ku yaalla.

Masjidka Al-Rowda ee qaraxyada lagu weeraray, kadibna tiro dabley ah oo banaanka joogay ayaa rasaas oodda uga qaaday dadkii badbaaday ee cararayey. Qaarkood ragga weerarka qaaday wajiga ayaa u daboolnaa, waxayna xirnaayeen dhar kan milateriga u eg. Daaqadaha iyo albaabada ayaa la sheegay inay dadka ka tooganayeen.

Raggaas waxay sida muuqata dab qabadsiiyeen gawaari halkaa taallay, si ay u xannibaan in dhismaha la galo, waxayna rasaas ku rideen gawaarida gargaarka degdegga ah. 30 carruur ah ayaa ku jiray dadka dhintay, tiro 100 ka bandanna way ku dhaawacmeen.

Howgalka ciidamada Masar waxaa qeyb ciidamada dhulka, Cirka iyo kuwa gaarka ah ee argagixiso la dirirka, iyadoo dalka Masar uu ku jiro baroordiiq dadkii faraha badnaa ee la laayay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON