Ciidmaada Howlgalka Midowga Yurub ee Xeebaha Soomaaliya oo ku howlan ka hortagga Burcad Badeedka ayaa shaaciyey sawirro ku saasan Doon ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku degtay agagaarka xeebta magaalada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe.
Wararka aya sheegayai n Ciidamada Soomaaliya ay Doonta kula gadoontay meel 60 KM u jirta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee Atlanta ay heleen qeylo-dhaan ay ciidamada Soomaalida ku dalbanayaan badbaadin , kadib markii Doontii ay la socdeen cilad haleeshay.
Markab iyo Doomo ay leeyihiin Ciidamad Midowga Yurub ayaa u gurmaday Doonta ciidamada Soomaalida lahaayeen, waxayna badbaadiyeen ciidamada Soomaalida, iyadoo muuqaallada la baahiyey ay ka muuqdeen sakrta Soomaalida oo gargaar caafimaad iyo badbaadin loo sameynayo.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dhowaan Doon kale ay xeebta magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose kula degtay ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo ciidamada Soomaaliya aysan adeeegsan karin dhinaca dhulka.


