Sunday, June 29, 2025

Ciidamada Milateriga Dowladda oo shaaciyey inay 18 Shabaab ah ku dileen Gobolka Sh/hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shaaciyey in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellada hoose ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib Marko.

Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko ayaa waxay Ciidamadu ku dileen 18  Saraakiil iyo dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo lagu soo saaray dhowr miino.

Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  Jeneraal Axmed Aadan   ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee Ciidamada Xoogga Dalka halkaasi ka fuliyeen ay ku soo saareen Miinoyin ay Al-Shabaab  ku aaseen Waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan.

Jeneraal, Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleystay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON