Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidamo ka wada tirsan milateriga ay ku dagaalameen magaaladaasi.
Iska hor imaadka ayaa dhex maray xubno ka tirsan ciidamada Guuto labaad ee milateriga iyo ilaalada madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe, iyagoo markii ay kala shakiyeen kadib rasaas is weydaarsaday.
Hal askari ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalka labada dhinac oo ka dhacay meel u dhow Guriga uu degan yahay guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ee magaalada Jowhar, una dhow madaxtooyada Jowhar. waxaana markii danbe labada dhinac kala dhex galay ciidamada guddoomiyaha gobolka.
Xaaladda ayaa markii dambe la xaliyey iyadoo la kala qaaday ciidamadii dagaalamay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabelele.