Friday, April 19, 2024

Guddoomiye Jawaari oo Farriintii ugu cusleyd u diray Ra’iisal Wasaare Kheyre & Xildhibaannada [Shir Jaraa’id]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay goor dhoweyd caawa ayaa digniin u diray ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

“Weli ma dhicin in xaruntii Baarlamaanka ee xormada lahayd ciidan la dul dhigo, amniga xarunta wuxuu saaran yahay guddoonka, hase yeeshee arrinta lagu kacay ma qurux badna waxayna keeni kartaa xaalad ka darran… waxaan uga digayaa laanta fulinta inay ciidamada ka dul qaado xarunta Baarlamaanka, kana deyso faragelinta..” ayuu yiri Mudane Jawaari.

Ad

Mudane Jawaari ayaa si toos ah ula hadlay Ra’iisal wasaare Kheyre isagoo u sheegay inuusan jirin mooshin laga waday xukuumadiisa oo meel cidlo ah laga dagaal geliyey, wuxuuna ugu baaqay inuu xaaladda dhulka dhigo.

“Ra’iisal wasaaraha ma jirin wax mooshin ah oo laga waday meel cidlo ah ayuu lagu dagaal geliyay, waxaan leeyahay arrinta dhulka dhig… wuxuu ahaa nin shaqeynaya, laakiin wuxuu ka talo qaataa Injineeradii ku soo takhasusay burburinta Baarlamaankii 8-aad..” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Mudane Jawaari ayaa caddeeyay in Baarlamaanka aysan wax faragelin ah iyo carqalad u geysan xukuumadda inay shaqadeeda ku taageeraan maahee, wuxuuna intaas ku daray in meel fog laga keenay dalkan oo lasoo gaarsiiyey nidaam hufan oo dimoqraadi ah.

- Advertisement -

Wuxuu xildhibaannada xusuusiyey dhaartii ay mareen isagoo ugu baaqay Alle ka cabsi iyo inay damiirkooda la tashadaan, kana digtoonaadaan burburinta baarlamaanka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayuu ku tilmaamay inay yihiin Qaran-jire ilaaliya sharciga, hantida umadda iyo qaranimada ayna u taagan yihiin xoojinta dowladnimada.

Guddoomiye Jawaari ayaa u mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed ee u dulqaatay xaaladii is maandhaafka ahaa ee ka jiray Baarlamaanka, wuxuuna si gaara ugu mahadceliyay Aqalka sare oo dadaal ku bixiyey in arrinta khilaafka Baarlamaanka xal loo helo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON