Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Milateriga oo howlgal culus ka wada degmada Afgooye iyo degaanada la xiriira

Wararka laga helayo magaalada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamada milateriga ay howlgal xoog leh ka wadaan dagaano ka tirsan degmada afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxda Alshabab ay saakay Aroortii weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada ku leeyihiin agagaarka xarunt degmada Afgooye ee Buulo Fooliyo.

Ciidamada milateriga oo fara badan ayaa lagu arkay degmada afgooye, iyagoo waday howlgal baaritaan ah, iyagoo beegsanaya Gaadiidka soo gala degmada Afgooye, iyagoo qabqabtay qaar ka mida dad looga shakiyey Alshabaabnimo.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay Alshabab ku  soo qaadeen, ayna baacsanayaan kooxihii weerarka soo qaadeen oo qasaare ay gaarsiiyeen.

Alshabaab ayaa sheegtay in gelinkii dambe ee shalay ay weerarreen saldhig ay ciidamada dowladda Federaalka ku lahaayeen tuulada Tixsiile oo udhaxaysa Afgooye iyo Wanllaweyn, iyadoo sheegtay inay la wareegeen gacan ku heynta saldhiggii melleteri ee ay weerareen iyo degaanka Tixsiile.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON