Thursday, July 3, 2025

Ciidamada Milateriga oo War kasoo saaray Dagaalkii ka dhacay degaanka Xaaji Cali (Waxaan dilnay 15 Shabab ah…)

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray dagaal xalay saqdii dhexe kadib ka dhacay degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaasoo ay sheegeen inay ku laayeen maleeshiyaad badan iyo horjoogayaal Alshabab ah.

“Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxuu la wadagaaya Ummadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku dhaqan in Xalay abbaare 2:00 AM codwoga Alshabaab lagala hortagay dagaal qoreysan oo ay ciidanka u diyaariyeen Cadowga oo warbixin laga helay in uu doonayay weerar in uu ku soo qaado magaalada Xaaji Cali ee Gobal-ka Shabeellada Dhexe.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada Milateriga

Qoraalka ayaa lagu yiri: “Cadowga waxaa loo dhigay jid gooyo qorsheysan si xirfadi ku dheehan tahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ku gaaray..”

Taliska ciidamada Soomaaliya ayaa shegya in Ciidamadda Xoogga Dalka ay baacsadeen caddowga iyagoo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleen lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guduud. Qaasaaraha soo gaaray Alshabaab ayuuna ku sheegay 15 dhimasho iyo 26 dhaawac ah.

Dhinaca Ciidanka Xoogga dalku waxaa ka dhintay 2 sarkaal, waxaana ka dhaawacmay 2 askari, sida lau sheegay qoraalka Taliska ciidamada Milateriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON