Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugidda ay qabteen haweeney hubeysan.
Saraakiisha ammaanka ayaa laga soo xigtay in haweeneydani lagu qabtay qori AK 47 ah, xilli ay ku sugneyd agagaarka Is-goyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.
Haweeneydan oo faafhaahinteeda aan la shaacin ayaa baaritaan lagu wadaa iyadoo la hubinayo hubka ay wadatay iyo ujeedkeeda.
Waa markii ugu horeysay ee haweeneyd hubeysan ay gacanta ku dhigaan ciidamada ammaanka xilli ay Muqdisho ku jirto xaalad ammaan oo halis ah ayna ka dhaceen weeraro iyo dilal is xigxigay.
Goobjooge.com