Ciidamada amniga iyo koox ka tirsan Alshabaab ayaa galabta ku dagaalamay xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa dhex maray koox ka tisan Alshabaab oo ka akooban 4 dabley ah iyo ciidamada NISA ku sugnaa Jidka Warshadaha, agagaarka Isbitaalka Carafaat ee degmada Yaaqshiid, iyadoo rasaas ay is weydaarsadeen lagu dilay mid ka mida dableyda Alshabaab.
Ciidamada Nabadsugida ee dagaalka la galay kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu la socday taliyaha NISA ee degmada Yaaqshiid, iyadoo ay goobtaasi gaareen madax ka tirsan maamulka Gobolka Banadir oo soo bandhigay meydka dableyga ka tirsa Alshabab.
Dabley kale ayaa la sheegay in laga dhaawacay kooxdii Alshabaab oo isaga kuwii kale ay baxsadeen, halka ciidamada NISA ay ka dhaawacmeen laba askari.