Sunday, July 20, 2025

Ciidamada NISA & Kuwa AMISOM oo Caawa ku dagaalamay Magaalada Muqdisho & Askari ku dhintay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in  Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan AMISOM oo la socday kolonyo uu dagaal ku dhex maray Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa yimid, Kolonyada Ciidamada AMISOM oo ku socday dhinaca Garoonka diyaaradaha Muqdisho ay hor istaageen ciidamo halkaasi ku sugnaa oo ka tirsan NISA , iyadoo ciidamadii AMISOM ay ku adkeysteen inay socodkooda sii wataan.

Xaaladda ayaa faraha ka baxday markii Kolonyadii Ciidamada AMISOM  ay si xoog ah jidka loo diiday kaga gudbeen, waxayna labada ciidan is weydaarsadeen rasaas xoog leh, iyadoo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu halkaasi ku geeriyooday.

Gaari ka tirsan kuwa AMISOM ayaa la sheegay inuu qasaare kasoo gaaray iska hor imaadka waxayna kolonyadii AMISOM si awood ah ku galeen xaruntooda weyn ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xilliga shilkan dhacayo ayaa waxaa socday weerraro ay Alshabaab la beegsanayeen Madaxtooyada iyo xarunta NISA ee Muqdisho, iyadoo aan hore loo arag in ciidamada Soomaaliya ay joojiyaan askarta AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON