Ciidamada nabadsugidda ee ISA ayaa gacanta dhigey rag lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka haweeney waayeel ahayd oo dhowaan toogasho lagu dilay degaanka Garasbaaley ee Muqdisho.
Ragga lasoo qabtay ayaa ah 3 qof, waxaana la sheegay in ka tirsan yihiin Al-Shabaab, iyadoo dilay haweenayda lagu magacaabi jiray Sitey Maxamed Aadan oo hore uga tirsanan jirtay ciidamada Booliska. Midkood aya dilka geystay halka labada kale ay caawiyeyeaal u ahaayeen sida ay shewgeen saraakiisha ammaaka.
Eedeysnayaasha oo ah kuwii ugu horeeyay ee muddooyinkan loo soo qabto fal khaarijin ah ayaa la dhigay xabsiga ciidamada NISA. Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa sheegay inay lagu guuleystay soo qabashada dembiilayaasha dilka naxdinta leh ka geystay degaanka Garasbaaley.
Al Shabaab ayaa sheegtay dilka haweenaydaasi, waxaana ay sheegeen inay dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka Somaliya.