Friday, July 11, 2025

Ciidamada NISA oo howlgal ku soo qabtay Khabiir Qaraxyada u qaabilsanaa kooxda Alshabaab

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay in howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho lagu soo qabtay xubin sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalka NISA oo xalay  ka dhacay gagaarka Ex-control sida ay Hay’adda NISA sheegtay ayaa lagu soo qabtay khabiir Qaraxyada u qaabilsanaa kooxda Alshabaab, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey howlgalka iyo magaca ninka la soo qabtay.

“Hawgal saacado qaatay oo si taxadar leh loo qorsheeyay, kana dhacay agagaarka Ex-control magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay xubin Al Shabaab ka tirsan oo ahaa khabiir dhanka qaraxyada, habeennimada 27-ka September, hawlgalka cidi wax kuma noqon”. ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay NISA .

Hay’adda Nabad suggida Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay soo saarta warar ku saabsan howlgallo iyo xubno lagu soo qabto oo Alshabaab ka tirsan oo aan faahfaahin laga bixin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON