Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Ciidamada NISA oo Muqdisho ku qabtay askar ka tirsan AMISOM oo fal sharci darro ku jiray

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo shidaal ku iibinayay magaalada Muqdisho.

Askarta AMISOM ee la qabtay ayaa gaaray laba askari iyo gaari siday shidaal iyo sahay kale oo ay ku iibinayeen magaalada, kadib markii dabagal lagu sameeyay.

Askartan iyo gaariga ay wateen ayaa la geeyay xarunta ciidamada NISA ee Gobolka Banaadir, waxaana socda baaritaan lagu hayo ciidamadan oo loogu yeeray saraakiisha sare ee AMISOM.

Ad

Waa markii labaad ee ciidamo ka tirsan AMISOM lagu qabto  iyagoo shidaal sharci darro ah ku iibinaya magaalada Muqdisho, waxaana dhowaan askartii AMISOM ay maxkamad ku riday xukumo kala duwan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON