Thursday, June 26, 2025

Ciidamada NISA oo oo Hubka laga dhigayo, Dharkana laga bedelayo [DHAGEYSO]

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shaaciyay in ciidamada NISA ay noqon doonaan Qarsoodi.

Isagoo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayuu sheegay inay qorsheynayaan in ciidamada nabadsugudda NISA dib loogu celiyo qaabkii ay hore ugu shaqeyn jireen oo ahaa kuwo qarsoon oo dharcad ah.

“NISA waxaa kusoo rogi doonnaa mustaqbalka dhow dharcad inay noqdaan sidii ay ahaan jirtay oo waxaan laga reebo waa sax, NISA calaamad ku buufsan in laga arko lama rabo mana la arki doono haddii uu Alle yiraahdo” ayuu yiri wasiir Duicaale oo sheegay in la sameyn doono ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda.

Ciidamada Nabadsugidda ee dowladii hore ayaa ahaa kuwo xogta ururiya oo aanay cidna aqoon u lahayn, kuna dhex jiray bulshada qeyb kasta oo ka mida, taasoo hadda meesha ka baxday.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa xilligan noqday mid bannaanka yaalla oo ka kooban ciidamo Mareykanku tababarray, qaar kale oo degmooyinka la shaqeeya iyadoo xubnaha ka mid ahna ay noqdeen ciidamo caadi ah oo hubeysan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON