Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Puntland oo shaaciyey inay nolol ku qabteen xubno ka tirsan Alshabaab iyo Daacish

Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada maamulkaasi ka sameeyeen Buuraha Calmadoow ee gobolka Bari ay kusoo qabqabteen halkaasi rag ka tirsan Shabaab iyo Daacish.

Goobaha ugu badan ee howlgallada laga sameeyay ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka mid ah Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin Xagarood, Madarshoon iyo Diindigle oo Buuraha Cal Madow oo qiyaastii 35-77km ka xiga dhanka Koonfur Galbeed magaalada Bosaso ee gobolka Bari.

Holwgalkaan oo qaatay mudo ka badan Afar Maalmood ayaa Saraakiishu waxa ay sheegen in uu yahay mid ku qotoma sidii Al-Shabaab looga looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugn yihiin Buuraha Cal Madow.

Saraakiisha Ciidamada BIS-ta Puntland ayaa waxa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday ay Gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo loo soo gudbiyey Xabsiyada magaalada Boosaaso si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON