Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Puntland oo soo bandhigay Meydadka Maleeshiyadii Alshabaab ee lagu dilay Buuraha Galgala [Sawirro]

War kasoo baxay taliska Ciidamada Amaanka Puntland (PSF) ayaa lagu soo bandhigay sawirada meydadka la sheegay inay yihiin maleeshiyaadkii Alshabaab ee weerarka gaadmada ah ku qaaday saldhig ciidanka badda Puntland (PMPF) ay ku leeyihiin deegaanka Bali Khadar ee buuraha Galgala.

Saraakiisha ciidanka PSF ayaa hore u sheegay inay dilleen 41 ka mid ah kooxda Alshabab kadib markii dagaal dagaal rogaal celin ah uga daba tageen maleeshiyaadkii Alshabab ee habeen horre soo weerarey saldhigooda degaanka Bali Khadar.

Meydadka sawirrada iyo muuqaallada ka muuqda ayaa ka yar tirada ay ciidamada Puntnad sheegeen inay ka dileen kooxda Alshabaab ee ka howlgasha buuraha Galgala, iyadoo aanay jirin cid dhexdhexaad ah oo xajiijisay arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON