Friday, July 4, 2025

Ciidamada Puntland oo xabsiga dhigay Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago [Akhri sababta]

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen oday dhaqameed caan ah oo ka mida Isimada Gobolka Bari.

Cabdulqaadir Axmed Xarrago oo ka mid ah Isimada Gobolka Bari ayaa xabsiga loo taxaanay kadib markii ay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Puntland gacanta ku dhigeen caawa.

Lama shaacin sababta loo xiray nabadoonka, waxaase loo aaneynaa kadib markii uu ka hadlay jirdil lagu sameeyay 7 dhalinyaro oo dil toogasho lag xukumay, laguna soo eedeeyay inay falal dilal ah ka geysteen magaalada Boosaaso, kana tirsanaayeen Alshabaab.

Nabadoonka ayaa ku baaqay cadaalad, wuxuuna sheegay in dhalinyaradaasu jridil xoog leh loo geystay, isagoo baaq u diray madaxda Puntland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON