Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Alshabaab oo ku…

Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka fuliyeen Magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen Xubin ka tirsan Alshabaab oo maleegayay Qaraxyo sida ay shaacisay NISA.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay 2dii September ee Maantii shalay oo ku beegneyd Qaraxii argagixisada Al-Sabaab ku gumaadeen dad shacab ah.

“Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2-da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag..” ayaa lagu yiri qoraalka oo shacabka looga codsaday inay garab istaagaan ciidamada sidii ay uga hortegi lahaayeen Al-Shabaa.

NISA ayaa tan iyo markii uu guddoomiye ku xigeen ka noqday agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji waxay dib u soo nooleysay barihii warbaahinta bulshada ay kula xiriiri jirtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON