Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay Garoonka diyaaradaha magaaladaasi ka qabteen oo ay xabsi u taxaabeen galabta majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).
Cabdi Muriidi Ajakis ka howlgala Telefishanka Universal waxaana la sheegay inuu transit ku ahaa garoonka magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeeday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana si lama filaan garoonka ugu soo galay oo ka kaxeysay ciidamo.
Majaajliiste Ajakis ayaa la sheegay in xabsi loo taxaabay gudaha magaalada Hargeysa iyadoo aan la sheegin sababta xarigiisa, waxaase la filayaa inuu la xiriiro Barnaamijkiisa FAALIYAHA QARANKA oo ay si wey u dhibsadeen siyaasiyiinta Somaliland iyo madaxweyne Siilaanyo.
Isha: RadioDalsan