Sunday, July 6, 2025

Ciidamada Somaliland oo weerarray Xafiiska Weriye Coldoon ee Burco & weriyaha oo baxsad ah

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la wareegay xafiis uu magaalada Burco ku leeyahay weriyaha caanka ah ee Cabdimaalik Muuse Coldoon, iyadoo aan la shaacin sababtii loo weerarray xafiiskaasi.

Weriye Coldoon ayaa xaqiijiyey in ciidamada ay u dhaceen  xafiiskiisa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer oo uu degan yahay, iyadoo halkaasi uu ka maqnaa weriyaha, wuxuuna hor u sheegay inuu hanjabaadyo kala kulmay  ciidamada Booliska.

“Ciidamada booliska ayaa soo weeraray oo la wareegay gabi ahaanba xafiiska aan ku leeyahay magaalada Burco . Tiro ciidamo ah ayaa hadda tuban xafiiska hortiisa. Ciidamadan oo aniga i raadinayey ayaan u suuragalin in ay gacanta igu dhigaan..” ayuu Weriye Coldoon ku yiri farriin uu soo dhigay baraha bulshada, isagoo baxsad ka ah Booliska.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa dhowr  jeer ah waxaa xiray ciidamada Somaliland, xarigiisa ayaana salka ku haya booqashooyin uu yimaado Muqdisho iyo fekerkiisa midnimada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON