Wararkii ugu danbeeyay ayaa ee degaanka Tukaraq ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Somaliland ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay saaka ka jirto aaggaasi.
Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ciidan, kadib markii shalay iska hor imaad ka dhacay halkaasi, kasoo ka dambeeyay weerar kooban qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo gurmad ah ay gaareen degaana Tukarraq, iyadoo dadka degaanka ay soo weriyeen cabsi dagaal oo ka dhex taagan labada dhinac.
Waxgaradka Sool ayaa horey u sheegay inay ku guul dareysteen waanwaan ay ka dhex wadeen Puntland iyo Somaliland, waxayna ka digeen in xilli waliba uu dagaal qarxi karo.