Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Tunisia oo xiray Xaruntii Baarlamaanka, kana hor istaagay Guddoomiyihii iyo xildhibaannadii…

Ciidamada Amniga dalka Tunisia ayaa saaka Waaberigii xiray xarunta Baarlamaanka ee caasimadda Tunis, iyagoo kahor istaagay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaannada Golaha Wakiilada inay galaan xaruntaasi.

Ciidamad ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka, inay haystaan amar lagu xirayo Baarlamaanka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Tunisia Rashid Ghannouchi iyo ku xigeenadiisa qaar ayaa tegay xarunta, balse waxay awoodi waayeen inay ka gudbaan xeydaabka birta ah ee xarunta golaha ay dhigeen ciidamada.

“Waxaan ahay Guddoomiyaha golaha, waxaan hor taaganahay Hay’addii aan madaxda ka ahaa, ciidamaduna way iga horjoogsanayaan inaan galo,” ayuu yiri Rashid Ghannouchi oo cambaareeyay in ciidamada loo adeegsado hirgelintago’aanadii Madaxweyne Qais Saied oo uu ku tilmaamay inuu jabinayo dastuurka iyo mabaadii’da kacdoonka.

Wuxuu ugu yeeray saraakiisha ciidamada inay la midoobaan dadka oo ay difaacaan kacaankooda iyo xorriyadooda, isagoo sheegay in kalfadhiyada golaha ay kusii socon doonaan jadwalkooda, sida ku cad go’aamada ay soo saareen kutlada baarlamaanka markii dambe.

Dhinaca kale ciidamada ayaa xiray xarunta xukuumadda Tunisia, iyagoo diiday in la galo ama laga baxo, si looga hortago inay kulan ku yeesheena Wasiirada xukuumadda uu casilay madaxweynaha dalkaasi.

Xalay ayuu Madaxweynaha Tunisia Qais Said wuxuu ku dhawaaqay inuu shaqadii ka joojiyey Baarlamaanka, xasaanadiina ka qaaday, isagoo casilay xukuumaddii iyo Ra’iisal wasaarihii dalkaasi Hisham Al-Mashishi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON