Sunday, June 22, 2025

Ciidamada Turkiga oo Diyaarado dagaal kasoo riday dowladda Syria & Ruushka oo u digay Turkiga

Ciidamada Turkiga oo dagaal buuxa ku qaaday dalka Syriya ayaa soo riday laba diyaaradood oo nooca dagaalka SU-24, waxaana Turkigu shaaciyey inuu bilowday howlgalkii Waqooyi Galbeed ee dalka Syria.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay inay howlgalka oo bilowday 1-dii bishan Maarso oo ka dambeeyay digniintii Madaxweynaha Turkiga u jeediyay Dowladda Syria, iyadoo lagu burburiyey in ka badan 50 Taangi, 3 gantaalaha difaaca cirka ah iyo dhimasho iyo dhaawacna ay ku noqdeen ilaa 200 askari oo ka mida ciidamada Syria.

Syria ayaa qiratay in laba diyaaradood oo nooca dagaalka ah looga soo riday hawada Gobolka Idilib, kadib markii diyaarad dagaal oo Turkiga leeyahay ay weerar ku qaaday, waxaana ka badbaaday labadii duuliye oo Baarashuut uga booday diyaaradahaasi. Sidoo kale ciidamada Syria ayaa sheegay inay dhinacood soo rideen 3 diyaaradood oo Drone ah oo Turkigu leeyahay.

Ad

Weerarka Turkiga ayaa ka danbeeyay markii ciidamada Syria ay Gobolka Idlib ku dileen 34 askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga, waxayna xaaladda isu bedeshay dagaal weyn oo Turkigu ka wado Gudaha Syria, isagoo beegsanaya ciidamada dowladda Syria, isla amrkaana gacan siinaya kooxaha mucaaradka.

Dhinaca kale Ruushka ayaa soo saaray War kooban oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ciidamada cirka Turkiga, iyagoo caddeeyay inaysan damaanad qaadi karin amniga diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ee hawada dalka Syria, taasoo loo qaatay digniin Ruuskhu u dirayo Turkiga.

Kulanka xasaasi ah oo xal loogu raadinayo xaaladda faraha ka sii baxeysa ee Waqooyiga Syria ayaa lagu wadaa inay magaalada Mosco ku yeesheen madaxweynayaasha Ruushka Valadamir Butin iyo Turkiga Erdogan, iyadoo la sheegay inay noqon doonaan wadahadallo adag.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON