Friday, July 4, 2025

Ciidamada xasilinta Caawa Howlgal Qaab cusub leh ka wada Xaafado ka tirsan Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta ay howlgal xoog leh ka wadaan caawa xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo fara badan ayaa ka socda xaafadaha Juungal, xaafadda Towfiiq, Silliga, Ceymiska iyo Fagax, waxaana la sheegay in ciidamada ay galayaan guryaha iyagoo si adag u baaraya.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay fiidnimo xireen xaafadaha isla markaana ay ururinayaan dhalinyarada, iyadoo guri guri u gelaya xaafadaha howlgalku ka socdo.

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay falal khaarijin ah iyo ammaandarro ka dhaceen magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON