Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal qasaare dhaliyay uu dhex maray ciidamada xasilinta ammaanka iyo ciidamo kale.
Isku dhaca ayaa ka dhacay agagaarka Carwo Itko, degmada Howlwadaag, waxaana ciidamada ku dagaalamay ay geysteen qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Dadka degaanka ayaa sheegay in rasaas xoog leh oo labada ciidan ay is weydaarsadeen ay ku dhinteen laba qof oo midkood askari ahaa iyo qof shacab ah, halka tiro kale ku dhaawacmeen.
Ciidamada xasilinta Muqidsho ee isku dhafka ah ayaa waxaa ka hor yimid ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin milateriga, iyagoo isku dayay inay hubka ka dhigaan, taasoo dhalisay rasaasta la is weydaarsaday.
Goobjooge