Tuesday, July 15, 2025

Ciidamada Xasilinta oo dagaal culus ku qabsaday magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus ayaa saaka aroortii hore ka qarxay magaalada Muqdisho kadib markii howlgal weyn ay ciidamada xasilinta ku qaadeen xaafado ka tirsan degmada Deyniile.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhex maray Ciidamo milateri ah oo fadhigoodu ahaa  Haanta-dheer iyo Xeradii Ciidamada 77 illaa Difaaca Cirka, waxaana saraakiil u hadashay ciidamadaasi ay sheegeen inay ka war heleen rasaas ku socota.

Qasaaraha dagaalka ayaa hadda soo baxaya, waxaana la soo weriyay in 3 askari ay ku dhinteen, dhaawacuna intaas ka badan yahay. Xaaladda ayaa kacsan iyadoo ciidamada labada dhinac ee dagaalmay ay is hor fadhiyaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay xaafadahaasi go’doomiyeen iyadoo aanay jirin wax isu socod ah, balse ay xaaladu degan tahay hadda.

LA SOCO FAAHFAAHINTA….

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON