Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa xalay howlgal gaar ka sameeyay xaafadaha u dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Degmada Wardhiigley.
Dadka degaanka ayaa ka warhelay Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka xaafadahan, iyadoo watay Gaadiidka dagaalka, waxaana howgalkaasi lagu qabqabtay dad u badnaa djalinyarro.
Howlgalka ayaa saameyn ku yeeshay xaafadaha Geed Jaceyl, Shanta geed iyo degaanada la xiriira, waxaana dhalinyarrada la qabtay lagu soo ururiyay barxad xarunta Degmada Wardhiigley, halkaasoo lagu kala saaray.
Xilli falal dil kala duwan ay ka socdaan magaalada ayaa dhinaca kale ciidamada xasilinta ay howlgallo ka sameeyaan degmooyinka gobolka Banaadir, taasoo aan ka hortegin falalkaasi.