Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa howlgal nooc cusub ah saaka ka bilaabay magaalada Muqdisho.
Ciidamada oo buuxiyay Isgoysyada Muqdisho qaarkood ayaa baaritaan ku wada gaadiidka iyo dadka la socda, waxaana qof waliba la weydiinayaa Aqoonsigiisa iyo waxa uu qabto.
Dadweynaha la socda gaadiidka ayaa laga dejinayaa inuu safaf dhaadheer la gelinayo, waxaana qof kasta la weydiinayaa su’aalo ku saabsan xaaladiisa, taasoo keentay xayiraad dhinaca gaadiidka ah.
Howlgalladan ayaa saaka ka dhacaya Wadadda Maka Almukaramaha Isgosyka Taleex, Shaqaalaha iyo isgoysyo dhowr ah, waana markii ugu horeysay muddo dheer oo baaritaan noocan oo kale ah laga fuliyo magaalada Muqdisho.
Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta caasimadda ayaa laga dareemayaa inay magaalada ku soo kordhiyeen isbedel intii ay howlgalkooda bilaaneen bishan Ramadaan.