Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan milateriga dowladda oo gurmad ahaan u tegay degaanka Deynuunaay oo aroornimadii saaka ay la wareegeen kooxda Alshabaab lagu qarxiyey miino loo dhigay.
Ciidamadii Koofur Galbeed iyo kuwa dowladda ayaa isaga baxay Deynuunaay markii iska hor imaad dhex maray Alshabaab waxaan xilli danbe xalay qabsaday kooxda Alshabaab oo isaga baxay saaka, iyadoo ciidamo ka yimid Baydhaba iyo kuwii hore halkaasi ugu sugnaa ay ku soo rogaal celiyeen.
Alshabaab ayaa sheegatay inay qasaare xoog leh gaarsiiyey ciidamada dowladda ee ku sugnaa Deynuunaay ayna qabsatay hub iyo saanad. Wararka qaarkood ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu keenay inay ciidamada isaga baxaan halkaasi, iyadoo muddo saacado ahna ay saldhigga Deynuunaay la wareegeen Alshabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu Qarax xoogan qabsaday ciidamadii dib ug laabtay Deynuunaay, wuxuuna Qaraxa ahaa mid Shabaab ay ku aaseen dhufeysyadii Ciidamada, iyadoo ay ku dhinteen saddex askari.
Ciidamada Koofur Galbeed ayaa howlgal miino baaris ah ka wada Guud ahaan Deegaanka, iyadoo laga cabsi qabo in Qaraxyo kale ay ku aaseen Magaalada.