Wednesday, July 2, 2025

Ciidamadii ka hortegay Muddo kororsiga oo ka baxaya Muqdisho iyo Gaadiidkooda dagaalka oo la geeyay..

Ciidamada mucaaradka ee ka hor tegay muddo kororsigii Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa maanta dib ugu laabanaya furimihii ay ka yimaadeen ee saldhigyadooda.

Ciidamadan ayaa isugu tegay Waqooyiga Muqdisho, waxayna ku hubeysan yihiin tobanaan gaadiidka dagaalka ah, iyagoo intooda badan kusii jeeda Gobolka Sh/Dhexe oo ay ka yimaadeen, waxaana socda diyaarintii ugu danbeeyay ee bixitaanka ciidamadan.

Degaan xeebeedka duleedka Muqdisho ayaa la isugu geeyay ciidamada iyo gaadiidkooda dagaalka, iyadoo halkaasi ay kula hadli doonaan madax ka tirsan mucaaradka oo ciidamadaasi ambabixin doona.

Shalay ayaa la dhaqan geliyey heshiis ay gaareen Guddi loo saaray arrinta ciidamada oo ka kala socday xukuumadda xilgaarsiinta iyo xildhibaannada mucaaradka, waxaana ciidamadan loo ballanqaaday xuquuqdooda iyo inaan loo raacin doonin wax denbi ah.

Ciidamada ka hortegay muddo kororsiga oo la baxay ‘Badbaado Qaran’ ayaa loo sameeyay sagootin, iyadoo lagu maamuusay doorkii ay ka qaateen inay ka hortagaan waxa loogu yeeray inay Soomaaliya ku laabato xaalad halis ah iyo keli-talisnimo.

May be an image of outdoors

May be an image of outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON