Wednesday, July 9, 2025

Ciidamadii ku dagaalamay Muqdisho oo la kala qaaday & Sababtii dagaalka oo la ogaaday

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay magaalada.

Dagaalkan oo aroortii saaka ka qarxay xaafado ka mida Deyniile iyo Hodon agagaarka jidka warshadaha siiba Haanta dheer, halkaasoo muddo laba jeer ah uu dagaal ku dhex maray ciidamada  xasilinta caasimadda iyo ciidamo ka tirsan milateriga guuto saddexaad.

Wararka ayaa sheegaya inay goobta lagu dagaalamay ay gaareen Taliyaha Xoogga dalka Axmed Jimcaale Cirfiit iyo Guddoomiyaha guddiga dib u soo celinta hantida ciidamada Gen. Yuusuuf Indha-cadde, iyadoo la kala qaaday ciidamadii dagaalamay, dagaalkiina lasoo afjaray.

Dadka degaankaasi oo saaka barakacay ayaa markii ciidamadii la kala qaaday bannaanbax ka dhigay halkaasi waxayna uga horjeedeen in lagu dul dagaalamo.

Dagaalka oo 3 qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen ayaa salka ku haya Guryo ay degan yihiin ciidamo iyo maleeshiyo oo la doonayay in laga saaro, taasoo dhalisay in la isku fara saaro, waxaana la sheegay in qasaare uu kala gaaray labadii ciidan ee dagaalamay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON