Monday, June 23, 2025

Ciidamadii Milateriga ee qabsaday Qeybo ka mida Muqdisho oo dib uga baxay iyo xaalladii ugu danbeysay..

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho oo maanta marti gelisay iska hor imaadyo shaqaqooyin iyo xaalad kacsan ayaa hadda degan.

Dagaal ka dhacay Isgoyska Sanca oo koobnaa ayaa ku dhammaaday inay dib uga baxeen ciidamadii Milateriga ee gadoodsanaa, waxaana la wareegay ciidmada NISA oo wata beebayaal, halka aan la soo sheegin qasaare ka dhacay.

Ciidamadii Milateriga ee saaka la wareegay Isgoyska Fagax ayaa la sheegay inay iyaguna dib uga laabteen halkaasi, iyagoo tegay degaanka Gubadley ee ay xalay soo gareen, waxayna wararku sheegayaan in odayaal soo dhex galay arrinta ay arrintan ka shaqeeyaan.

Ad

Dagaalkii ugu dabeeyay oo ka dhacay Isgoyska Mirinaayada joogsatay, kadib markii dib loo riixay ciidamada NISA oo wata laba Beebbe, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada Milateriga oo ay hoggaaminayaan saraakiil la yaqaan iyo ciidamadooda.

Xaaladda gud ahaan caasimadda oo aad u kacsaneyd maanta ayaa dhinaca kale degan xilligan, waxaase laga dareemayaa xiisado, iyadoo ciidamada dowladda a xireen isgoysyada waaweyn ee caasimadda.

May be an image of outdoors
May be an image of one or more people and outdoors
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON