Wararka laga helayo Gobolka Shabellada Dhexe ayaa sheegayaan in ciidamadii ugu badnaa ee Millateriga Soomaaliya ay kasoo baxeen aaggagii difaaca deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay banneeyeen aagag ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar, degmada Mahadaay iyo degaanada Ceelbaraf, Raage Ceelle, Qalimow iyo Garsaale oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo ka cabanaya mushaa la’aan heysata muddo dhowr bilood, waxayna ka caroodeen hadalkii kasoo yeerey ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ciidamadan ayaa wata Gaadiidka dagaalka iyo hub culus iyagoo soo gaaray salhigga Hiilweyne ee degmada Balcad, iyagoo ku soo jeeda Magaalada Muqdisho. wararka ayaa sheegaya in saldhigyadii ay ciidamadaas kasoo baxeen ay ku hareen Ciidamo kale oo aan badneyn.
Qalalaasaha ka taagan tirakoobka ciidamada iyo mushaarka ayaa sii kordhaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah taliyaha ugu sareeya ciidamada uu aamusan yahay.

