Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamadii ka horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ay ka guureen aagga Madaxtooyadii hore ee C/qaasim iyo inta u dhaxeysa Isgoysyada Trebuunka iyo KM4.
Ciidamadna oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ayaa xalay xilli dambe dhufeyso ka sameystay oo isku ballaariyey xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, waxayna dhinaca ku qabteen ciidamo hore halkaasi u deganaa oo habeen hore qabsaday ilaa Sayidka iyo qeybo ka mida Howlwadaag.
Ciidamadan oo ay hoggaaminayhaan Jen. Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa tallaabada ay qaadeen lagu sheegay istiraatiijiyad ciidan oo ay ka aag bedesheen xaruntoodii hore, waxaana hadda ay u muuqdaan inay isku fidiyeen degaano cusub.
Qaar ka mida dadkii deganaa xaafadda Sigaalle, agagaarka Mowlaca Macallin Nuur waxaa ka barakacay dadweynihii deganaa oo cabsi kasoo wajaday dhaqdhaqaaqa ciidamada ka horjeeda Farmaajo.
Tan iyo xalay waxaa dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayay KM4 iyo Jidka Maka Almukarama oo ay tageen ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Gorgor, iyadoo saaka ay ciidamada dowladda dib u furen wadadda isku xirta isgoysyada KM4 iyo Trebuunka oo shalay la xiray.
Cidamada dowladda ayaa galay guryo dhowr ah oo ay ka guureen saraakiisha iyo ciidamada taabacsanaa Yusuf Indha-cadde iyo Saadaq Joon, iyadoo aagaasi ku sugan ilaa saaka aroortii.
Xaaladda Muqdisho ayaa weli kacsan, waxaana xalay dhinaca Waqooyi ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo muddo kororsiga uu sameystay Maxamed Farmaajo, halka dhinaca kale ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo barakac dadka degaankaasi.
