Wednesday, June 25, 2025

Ciidamadii ugu badnaa oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho sababta loo xiray wadooyinka oo la ogaaday…

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa dhoobtay wadooyinka Muqdisho, waxaana si weyn loo xakameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka, iyadoo la xiray wadooyinka caasimadda.

Arrintan oo soo bilaabatay habeenkii Isniinta ayaa ka danbeysay markii ay bannaanbax looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo iyo Doorashada lagu muransan yahay ay qabanqaabiyeen musharixiinta Mucaradka ee xilka Madxaweynaha, lakiin ciidamada xalay la dhigay wadooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ayaa ah kuwo aad uga badan kuwii hore.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in jidadka la xiray ee Muqdisho ay tahay markii labaad oo dowladdu xayiraad saarto dadka si looga hortago xuska loo sameynayo sanadguurada shantii askari ee lagu dilay weerarkii ka dhacay Gurigiisa.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray. Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan Cabdishakuur.

Bannaanbax lagu taageeri lahaa madaweyne Farmaajo oo ay qabanqabaadiisa wadeen maamulka Gobolka Banaadir ayaa la joojiyey maanta, kadib markii laga War helay banaanbax kale ay qabanqaabadiisa wadaan taageerayaasha Mucaaradka.

Xaaladda caasimadda ayaa degan, inkastoo cabsi iyo xiisad ka jirto magaalada, waxaana magaalada ay ku jiraa xaalad milatari oo dhiileysan, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadii siyaasadeed ka dhalatay Doorashada 2020/2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON