Dadka magaalada Muqdisho ayaa saaka ka war helay wadooyin xiran iyo ciidamo muuqaalkoodu u eg yahay kuwii xasilinta oo dib ugu soo noqday wadooyinka caasimadda.
Wadooyinka saaka la xiray ee magaalada Muqdisho ayaa loo diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa kala ahaa: Isgoyska Jubba, Daljirka dahsoon, wadada 21-ka October, Ceelgaabta, iyo wadooyinka soo gala, iyadoo in muddo ah ay amniga caasimadda la wareegeen ciidamada booliska oo la furay wadooyinka.
Ciidamada wadooyinka xiray ayaa watay dareyskii lagu yiqiin ciidamadiia Xasilinta ee la sheegay in la kala diray, iyadoo ay la yaab dadka ku noqotay inay dib u soo laabteen ciidamadii xasilinta iyo dadka Muqdisho u bixiyeen KALA WAREEG iyo KADEED.
Wararka aya sheegay in ujeedka loo xiray wadooyinka ay tahay in wafdi heer caalami ah uu kulan la leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, wafdigaas oo la sheegay inuu Muqdisho imaanayo.