Ciidamada dowladda ee Miino-baarista ayaa qarxiyey Miino lagu aasay meel u dhow Qeybta Gaheyr, xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Miinada ayaa meel qashin qub oo hore u ahay albaab laga galo xarunta Gahayr ee Jaamcadda Muqdisho, waxayna dhalisay in Jidka muhiimka ah uu xirmo muddo saacado ah oo gaadiidka dadka laga joojiyey inay halkaasi maraan, waxaana ugu danbeyn qarxiyey ciidamada Booliska.
Ma jiro wax qasaare ah oo ka dhashay miinada la qarxiyey, iyadoo ay si weyn u kordheen miinooyinka dhulka la dhigo ee Gaadiidka lagu qarxiyo
Dhowaan ayay ahayd markii Gaari BL ay ku qaraxday Miino, taasoo dhalisay inay 20 qof ku noqdaan dhimasho iyo dhaawac, degaanka Xaawo-Cabdi e duleedka Muqdisho.
