Ciidamada amniga caasiamdda ee loo yaqaan SAMA ayaa maanta toogasho ku dilay Darawal kale oo ka mida kuw kaxeeya Mooto Bajaajta xilli uu marayey Bar koontarool oo ku taalla halka loo xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Dadka degaanka ayaa sheegay in darawalka uu maqli waayay askari ku amray inuu istaago, taasoo ay ugu wacneyd isagoo u shidneyd Miyuusik cod dheer, kadibna rasaas lagu furay ah ka haleeshay dhabarka iyo qaarka sare, markii dadweynaha u gurmadeed oo isbitaal loo qaadayna uu geeriooday.
Falkan ayaa noqonaya dil kale oo ciidamada dowladda ay kula kaceen darawal Bajaaj oo si joogto ah loogu dilo wadooyinka Muqdishom, iyadoo la wada xusuusto qisadii ugu dambeysay darawal bajaaj oo lagu dilay aargada Deyniile.