Iyadoo maanta oo dhan dowladda Soomaaliya ciidamo kala duwan diyaarado ugu daad gureysay Gobolka Gedo ayaa galabta waxaa halkaasi gaaray ciidamo nooc cusub ah oo ku lebisan dareys aan hore loo arag.
Ciidamadan oo aan la sheegin qeybta ay ka tirsan yihiin ayaa wararka qaar sheegayaan in lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxayna ku lebisan yihiin dareys cagaaran oo u eg kii ay qaadan jireen ciidamadii Guul-wadayaasha dowladii Kacaanka.
Ilaa laba duulimaad oo ciidamadan sida ayaa ka degay garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow, Gobolka Gedo, halka isla maanta hakaasi laga dejiyey cutubyo ka mida ciidamada kumaandooska Gorgor ee Turkigu tababarro.
Arintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiisad ka taagan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay dalka Kenya inuu abaabulayo jabhad soo weerarta magaaladaasi.
DAAWO SAWIRRADA






