Sunday, July 13, 2025

Ciidamo Ajnabi ah oo dagaal kula wareegay Degmada Badhaadhe & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamo Ajanbi ah ay weerar ku qaadeen degmada Badhaadhe isla markaana kala wareegeen kooxda Alshabaab.

Ciidamada Juba ayaa la sheegay inay  kusii jeedaan, halkaasi, waxaana ciidamada qabsaday Badhaadhe lagu sheegay inay Kenyaan iyo Mareykan ahaayeen, waxayna weerarka ku dileen ilaa 4 ka tirsan maleeshiyada Alsahbaab iyo laba qof oo shacab, halka ay dagaalka ku dhaawacmeen 5 kale.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in weerarka ay qaadeen ciidamo isugu jira Kenyaan iyo Mareykan, halkaasoo kadib ay isaga baxeen maleeshiyada Alshabaab, waxaana degmada la sheegay inay gacanta ku hayaan ciidamadan ajnabiga ah oo aan la ogeyn halka ay ka duuleen.

Ciidamada Maamulka Jubba ayaa la sheegay inay ku sii jeedaan degmada Badhaadhe oo in muddo ah ay gacanta ku hayeen kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON