Wararka laga helayo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay xiisad ka taagan tahay xarunta degmada, kadib markii ciidamo u abaabulan qaab maleeshiyo beeleed ah ay la waregeen.
Arrintan ayaa la sheegay inay timid, kadib markii guddoomiyaha degmada Kaxda C/llaahi Sheekh C/raxmaan uu xil qaadis ku sameeyay haweeney ka tirsaneyd maamulka degmada, tasoo ahayd madaxda caafiaadka degmada.
Tallaabada xil ka qaadista ayaa qarxisay kacdoonka beesha ay kasoo jeedo oo horeba tabashooyin badan uga qabay maamulka, waxayna dhalisay xaaladda maanta ka taagan degmada Kaxda.
Xarunta degmada ayaa xayiran maanta, iyadoo ciiamada hubeysan ay diideen in la galo ama wax dhaqdhaqaaq ah laga sameeyo xarunta Degmada.
Guddoomiyaha degmada oo ka mid ahaa Xisbiga madaxweyne Xasan sheek ee UPD ayaa intii xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar 2022, waxaa lau eedeynay ku takri fal awoodeed.
