Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkay ciidamo nooc cusub oo Boolis ah, kuwaasoo watay gaadiidka dagaalka.
Ciidamadan cusub ayaa ku hubeysan Gaadiid cusub oo ay saaran yihiin Qoryaha Boobayasha culus sida Dhashiikaha, waxayna uga duwan yihiin ciidamadii hore inay yihiin ciidamo qaabeysan oo si qurxoon u lebisan, ayna ka muuqato asluub ciidan.
Wadaddda Maka Almukarama ayaa la dhigay ciidamadan oo ay si weyn u isticmaalaan madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana dadweynaha jidkaasi ku socdaalay ay sheegeen in ciidamdan si wanaagsan ula dhaqmeen, kana duwanaayeen ciidamadii hore.
Markii ugu horeysay ayaa la arkay ciidamadan Booliska ah oo ku hubeysan gaadiidka dagalaka ee Cabdi-bileyaasha ah oo aanay hore u adeegsan jirin ciidamada Booliska, waxayna wararka qaar sheegayaan inay ciidamadan lagu bedelay kuwii xasilinta magaalada ee uu soo hindisay taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe.