Ciidamo cusub oo Boolis ah oo la geeyay Qaar ka mida Xaafadaha Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo Boolis ah la geeyay xaafadaha degmooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Ciidamadan ayaa la sheegay in la geeyay Waaxyaha degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo lagu arkayo ciidamo ka howlgalaya suuqyada waaweyn, wadooyinka muhiimka ah iyo xaafadaha qaar, isla markaana baaritaan ku sameynaya gaadiidka, siiba mootooyinka, iyagoo howlgalkoodu socdo habeen iyo maalinba.

Taliska Booliska G/Banaadir ayaa sheegay in ciidamada cusub ee la howlgeliyay ujeedkoodu yahay inay ka hortagaan falalka amni darro ee ku soo kordhay magaala, sida Dhaca ay kooxo Burcada hubeysan ka geystaan shacabka magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen amniga magaalada markii ay soo baxeen kooxo burcad ah oo falal amni darro ka fuliyey xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

111,633FansLike
613FollowersFollow
2,572FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

111,633FansLike
613FollowersFollow
20FollowersFollow
2,572FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!