Monday, June 23, 2025

Ciidamo fara badan oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho & Bannaanbaxyo laga cabsi qabo…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo  fara badan la soo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Isgoysyada waaweyn ee magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo dadka iyo gaadiidka ka celinaya, waxaana laga cabsi qabaa inay bilowdaan bannaanbaxyo looga horjeedo cadaadiska siyaasadeed ee lagu hayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Axmed iyo warar la isla dhex maray oo ku saabsan inuu is-casilayo, taasoo la beeniyay.

Ciidamada wadooyinka la dhigay ayaa la sheegay in looga dan leeyahay in lagu hor istaago bannaanbaxyada lagu taageerayo guddoomiyaha G/Banaadir, waxaana

Ciidamada dhowr nooc ah oo ay ku jiraan kuwa hortaga rabshadaha ee Booliska ayaa lagu arkay Fagaaraha Daljirka Dahsoon iyo qeybo ka mid ah waddooyinka Muqdisho. Ciidamada ayaa dadka ka celinaya Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiin, Siinaay, Falorensa, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, KPP iyo Tarebuunka.

Dadka degaanka ayaa ku soo warramay in degmooyinka qaar uu ka socdo abaabulka banaanbax lagu dalbanayo xuquuqda Gobolka banaadir laguna taageerayo Guddoomiye Taabit.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON