Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in ciidamo fara badan la wareegeen amniga magaaladaasi oo lagu wado inay berri ka dhacdo doorasho muran ka taagan yahay.
Ciidamada Itoobiya, kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada maamulka K/Galbeed ayaa la dhigay wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Baydhaba saaka, waxaana la geeyay xaafado aysan hore u joogin, iyadoo si weyn loo xadiday isu socodka agagaarka xarunta Madaxtooyada Baydhaba oo Doorashadu ka dhici doonto.
Bannaanbax la qorsheeyay inu saaka ka dhaco magaalada ayaa la joojiyey markii ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka, waxaan bannaanbaxaasi ku baaqay Odayaasha Beelaha K/Galbeed oo dalbaday in dib loo dhigo Doorashada ay ku sheegeen inuu hal dhinac wato.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay dhacdo doorashada oo la filayo inuu ku soo baxo musharaxa ay wadato ee C/casiis Lafta-gareen, waxaana in la joojiyo doorashada ku baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda K/Galbeed iyo Odayaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle.