Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Garoonka Jen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.
Ciidamadan ayaa wararku sheegayaan inay ka yimaadeen aagga dagaalka ee degaanka Tukaraq iyadoo ka cabanaya arrimo kala duwan, waxayna gebi ahaan la wareegeen Garoonka magaalada Garowe, iyagoo ka cabanaya mushaar, sida uu sheegay taliye Sumeysane oo hoggaamimaya ciidamada gadoodsan.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo uu maanta magaalada Garowe tegay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.