Wararka laag helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay saaka qabsadeen Wadadda Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe iyo inta badan magaaladaasi.
Ciidamdan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa joojiyey gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana la sheegay inay ka cabanayaan mushaar aan la siin muddo dhowr bilood ah, iyadoo saameyn balaaran ku yeelatay xaaladda magaalada, iyadoo ay istaageen howlihii maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa ku doodaya in muddo 7 bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu xaliyo ciidamadan.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada gadoodka sameeyay la qanciyay iyadoo madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camey u ballanqaaday in qeyb ka mida mushaharkooda si deg deg ah loo siinayo.