Ciiidamo gadoodsan oo boolis ah ayaa saaka qabsaday saldhiga Booliska magaalada Boosaaso, kadib markii taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka Booliska Gobolka Bari Col. Cabdicasiis Togax iyo ciidan uu watay ay tageen saldhigga Booliska qeybta Booliska Gobolka Bari.
Taliye xigeenka hore oo ka gadoodsan xil ka qaadis uu dhowaan ku sameeyey ku-simaha taliyaha Booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg, ayaa tallaabadan ku kacay, waxaana xaaladda markii danbe waanwaan ka galay odayaal iyo saraakiil kale.
Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegay in lagu guulaystay in Togax iyo ciidamadii uu watay laga saaro saldhigga booliska. Iska hor imaad kooban oo dhacayba waxaa ku dhaawacmay hal askari.
Waxaa hore taliye xigeenkan Col. Cabdicasiis Togax lagu soo eedeeyay inuu isbaaro dhigtay tuulada Faluuja oo Boosaaso u jirta 80KM.
Maamulka Puntland ayaa u muuqda inuu xakameyn la’ yahay saraakiisha ciidamada kala duwan, iyadoo la ogyahay inuu wasiirku amniga maamulkaasi ku dhawacmay isku dhac dhex maray taliyeyaasha booliska iyo birmadka.
Goobjooge.com