Monday, June 23, 2025

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Saldhigga Booliska Dhuusamareeb & Isgaarsiintii oo la jaray

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan ay la wareegeen Saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadan oo ka mida Booliska Galmudug ayaa cabanaya mushaar la’aan muddo bilo ah, waxayna ku dhaqaaqeen tallaabo ay kula wareegeen waddooyinka laga galo saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb, waxaana bilwoday dadaal loogu jiro xalinta dhibaatada ay tabanayaan ciidamada.

Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweyaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu kormeer ku tegay xarumaha Ciidamada Galmudug, waxayna dhalisay xaalad kacsan, iyadoo maamulka degaankaasi uu hawada ka saaray isgaarsiintii magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON